”Doorashadu waa kelmad xaq ah oo baadil lagu raadinayo” – Wasiir Dibadeedkii hore oo furka ku xooray Deni oo kali-taliye ku tilmaamay (Daawo)

0

(Hadalsame) 09 Maajo 2023 – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in “go’aankii ay Golaha Wasiirrada Puntland ay dastuurka maamulkaasi wax uga badalayeen uu yahay mid aan sax ahayn”.

Wuxuu Cawad intaa raaciyey in Madaxwayne, Siciid Deni, uu u dhaqmayo qaab kali-talis ah, dagaalo iyo qalalaaso siyaasadeedna uu ka dhex abuurayo Puntland, sida uu sheegay.

”Waxa Puntland ka jira ma aha doorasho dimoqraadi ah waa hadalkii Cali Bin Abii Daalib ee ”kelmad xaq ah oo baadil lagu raadinayo”, ayuu Cawad u sheegay SMS TV oo uu waraysi ka siiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee Puntland.

Cawad ayaa farta ku fiiqay waxyaabaha ka khaladan doorashada Puntland sida:

In Madaxwaynuhu uu sameeyo xisbiyo uu isagu xadidey taasoo aan marna sharci ahayn, inuu Dastuurka furo, in maamulkiisu uu noqdo kii qabanayey, garsoorayey misna agaasimayey, inaanu jirin guddi madaxbannaan oo doorasho, inaysan kala caddayn cidda codayn karta iyo xuquuqda muwaadinka Somalia u dhashay ku leeyahay Puntland, inuu tartami karo, inuu Wasiirradii hoosta gashaday IWM, sida uu yiri.

”Xisbigii talada hayey ayaa wixiiba isku ah, wasiirradiisii ayaa ololihii ku jira oo qaadanaya talooyinkii iyo go’aamadii Guddiga Madaxabannaan, oo markii ay doonaan Baarlamankii marsanaya wixii ay doonaan, ciddii ay doonaanna ka cayrinaya. Meel doorasho qof iyo cod ah iyo hannaan dimoqraadi ah lagaga dhaqmo, sidaasi kama dhici karto.” ayuu ku qayliyey Cawad.

Waraysiga qaybta labaad oo uu uga hadli doonaa khilaafka DFS iyo Puntland kaasoo isla berri laga sii daynayo hilinka SMS TV.

Hadalsame Media