“Waxaan niri maya!” – Turkiga oo kashifay in Maraykanka ay ka diideen dalab qoorta isu gelin lahaa iyaga iyo Ruushka

0

(Ankara) 07 Maajo 2023 – Washington ayaa soo jeedisay in Turkigu uu u diro Ukraine habka difaaca gantaalaha ee S-400 ee uu kasoo iibsaday Ruushka, balse Ankara way diiddey soo jeedintan, sida uu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga. Dalabkan ayaa Turkiga ka horkeeni kari lahaa Ruushka.

Soo iibsiga nidaamka S-400 ayaa ahaa kii Turkiga looga saaray barnaamijka F-35, Maraykanka ayaase wuxuu u soo jeediyey Turkiguu uu nidaamkaas ku wareejiyo Maraykanka ama waddan kale sida Ukraine, oo isku dayaya inuu la dagaallamo Ruushka, sida uu sheegay Mevlut Cavusoglu.

“Mareykanku wuxuu na waydiistay inaan S-400-yada u dirno Ukraine, annaguna waanu niri maya,” ayuu yiri, isaga oo sharraxay in soo-jeedimahani ay yihiin kuwo aan la aqbali karin iyagoo doonaya inay ku xadgudbaan madaxbannaanida Turkiga.

Saraakiisha Turkiga ayaa marar badan ku celceliyey in qarankoodu uu u iibsaday S-400-arrimo la xiriira amniga qaranka, mana jiro dal kale oo xaq u leh inuu arrintan soo farageliyo.

Sannadkii 2017-kii, markii dadaalkoodu daba dheeraaday oo uu Maraykanka ka caga jiidey inuu ka iibiyo nidaamka difaaca hawada ee Patriot iwm, ayuu Turkigu waxa uu heshiis la saxeexday Ruushka si uu u helo nidaamka casriga ah ee S-400.

Saraakiisha Maraykanka ayaa deeto muujiyey sida ay uga soo horjeedaan adeegsigooda, iyaga oo ku andacoonaya in S-400 aysan la shaqayn karin nidaamyada NATO, waloow ay hubkan qaar ku nooc ah sida S-300 ay haystaan Bulgaria, Romania iyo Giriigga iwm oo NATO wada ah.

 

Hadalsame Media