”War maxaad samaysay?” – Guardiola oo shalay aad ugu xumaaday arrin uu sameeyey Haaland (Daawo)

0

(Manchester) 07 Maajo 2023 – Pep Guardiola ayaa sheegay in Erling Haaland iyo Riyad Mahrez ay ahayd inay ku kala baxaan khaladkii rigoore la cunay oo keeni gaarey in Manchester City ay seegto horyaalkii 3-aad oo xiriri ah.

Guardiola ayaa aad uga caroodey markii ay xiddigaha City u soo bandhigeen Ilkay Gundogan fursad uu ku dhamaystiro seddaxleey kaddib kubad gool ku laad ah oo loo dhigay daqiiqaddii 84-aad ee ciyaarta, laakiin xiddigga Jarmanka ayaa khasaariyey.

Daqiiqado kaddib Leeds ayaa gool soo guddey taasoo aad u kicisay dareenka macallin Guardiola oo yiri: ‘Haddii ay 2-0 marayso, waa ayo kan dhalinaya rigooraha? Waa Erling ama Riyaad.’ ayuu iskugu jawaabey.

Guardiola ayaa sidoo kale aad ugu qaylinayey: ‘Waxay ahayd inaad adigu ka dhigato’ goolkii 42-aad ee Haaland.” isagoo la hadaya qannaaska dunida ka yaabiyey ee reer Norway.

Hadalsame Media