Laba mid oo madaxda DF kala gudboon musiibadii ka dhacday Musawacii qadiimiga ahaa ee Muqdisho

0

(Muqdisho) 07 Maajo 2023 – Dhismahani waxaa la yiri waa dumay waxa uu ku dumay oo dilay qoys dhan carruurtoodi. Waa murugo iyo caloolxumo.

Waxii dhacay kolley hadda dhace ee labo mid ha la yeelo:

1. Dhismayaasha kale ee dhismahan la da’da ah ama ka da’ waynee aagga ku yaal dadka deggan ha la badbaadiyo oo kow ha la baaro nabadgelyada iyo badqabka dhismayaashaas. Labo dadka deggan ha lagu caawiyo in degaan kale oo ka nolol habboon.

2. Dhisman dumay iyo kuwa aagga ku yaal ee la midka ah waxii aan dad gaar ahi lahayn ha la dayactiro hana loo sameeyo hay’ad dowli ah oo maamusha aag dalxiisna ha laga dhigo lacagtana hallugu shubo khasnadda dadwaynaha.

Kuwa dadka gaarka ahi leeyihiin ha laga iibsado waxii oggol kuwa aan oggolayna ha loo sameeyo shuruuc gaar ah oo lagu la soconayo badqabka dhismayaashaas.

Dawladi dadka ayay u shaqaysaa ee kama shaqaysato hoteelladana ma fadhfadhido.

W; Q: Cali M Diini

Hadalsame Media