Wiil uu dhalay kaabaha Maafiyada Napoli oo la khaarajiyey xilli loo dabaaldegayey guusha Napoli (Arrin ay qoyskiisu sameeyeen)

0

(Napoli) 06 Maajo 2023 – Nin la rumaysan yahay inuu dhalay nin lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Maafiyada Talyaaniga ayaa lagu diley Napoli habeenimadii Khamiistii, iyadoo saddex qof oo kalena ay dhaawacyo soo gaareen, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha dalkaasi.

Dilkan ayaa dhacay kaddib markii ay dadku iskugu soo baxeen damaashaad is dabajoog ah, iyadoo tobanaan kun oo taageerayaasha kubadda cagta ah ay buux dhaafiyeen waddooyinka magaalada kaddib markii kooxda maxalliga ah ee Napoli ay ku guulaysatey horyaalka Seria A.

Vincenzo Costanzo ayaa dhowr xabadood lagu dhuftay, waxaana loo qaaday isbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyoodey dhowr saacadood kaddib.

Sida laga soo xigtey wargeyska Il Mattino, isaga oo soo xiganaya qaybta baarista booliiska maxalliga ah, 26-jirkan ayaa la joogey saaxiibtiis iyo laba saaxiibo ah markii ay rag khamarjiyaal ahi ay ku dhufteen wadar ahaan toddobo xabbadood. Saaxiibbada Costanzo ayaa dhamaantood ku dhaawacmay weerarkaas.

Ehelada dhibbanaha oo soo gaaray isbitaalka ayaa la sheegay inay jejebiyeen albaabada iyo qalabkii qolka gargaarka deg dega ah kaddib markii ay ogaadeen dhimashada wiilka dhallinyarada ah.

Costanzo ayaa waxa uu lahaa rikoodh dembiyeed “culus” wuxuuna ahaa wiil uu dhalay xubin ka tirsan maafiyada Neapolitan-ka, Maurizio Costanzo, warbaahinta ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa maamulka.

Hadalsame Media