Waa kuwee 7 naadi ee ka dhisan Serie A ee diidey inay u HAMBALYEEYAAN kooxda SSC Napoli? (Koox wayn ayaa ku jirta)

0

(Roma) 06 Maajo 2023 – Kooxda SSC Napoli ayaa markii ugu horreeysey muddo 33 sano ah hanatay horyaalka Talyaaniga.

Dabaaldegga Scudetto ayaa ka dhex bilaabatay kulankii Udinese iyo Napoli laakiin waxay ahayd kaliya bilow oo dabbaaldeggu wuxuu kasii socday Napoli iyo xitaa meelo kale sida Milano, Roma iyo Torino.

Yeelkeede, waxaa jira ilaa 7 naadi oo ugu yaraan aan si rasmi ah, weli ugu hambalyayn kooxda reer Campania.

Waa kooxaha Bologna, Sassuolo, Spezia, Verona, Cremonese, Sampdoria iyo AS Roma (kooxda kaliya ee ka mid ah magacyada waawayn ee aan u hambalyayn Neapolitan-ka).

Hadalsame Media