Dal doonaya in Midowga Afrika lagusoo daro G20 oo kursi rigli ah laga siiyo

0

(Hadalsame) 06 Maajo 2023 – Hoggaamiyaha Jarmanka ee Olaf Scholz ayaa taageero u muujiyey Midowga Afrika (AU) inay ku yeeshaan fadhiga G20 taas oo calaamad u ah “in ixtiraam loo muujiyo qaarada iyo dalalkeeda badan.”

Scholz, oo soo gaare Itoobiya Khamiistii si uu u bilaabo safar saddex maalmood ah oo uu ku tegayo Bariga Afrika, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado wax ka qabashada arrimaha caalamiga ah, waxaana uu qiray in Midowga Afrika “uu yahay jaal asaasi ah”.

“Midowga Afrika waa nabad-sameeye muhim ah iyo saaxiibkeenna muhimka ah ee Afrika. Waxaan ka midaysan nahay dagaalka loogu jiro amniga, kahortagga isbeddelka cimilada iyo gaajada,” ayuu Khamiistii kusoo qoray bartiisa Twitter-ka, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in Midowga Afrika uu in badan “ku lug yeesho” kooxda G20.

55-ka dowladood ee Midowga Afrika, Koonfur Afrika waa xubinta kaliya ee ku jirta kooxda G2O ee dhaqaalaha waawayn. Bishii Diseembar ee la soo dhaafay, Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u ololeeyey ka mid noqoshada joogtada ah ee Midowga Afrika, kaddib markii uu baaq la mid ah uu jeediyey Madaxwaynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka qaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha Jarmanka ayaa u sheegay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Moussa Faki, isagoo ku sugan caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, in ku biirista waddamada Afrika ee G20 ay xaqiijin doonto inay “ka qaybgeli karaan oo ay wax ka dhihi karaan” madasha.

Waxa uu intaa ku daray in Jarmanka uu sidoo kale ka go’an yahay horumarinta nabadda iyo ammaanka Afrika.

Hadalsame Media