Ugu yaraan 8 weriye oo mar qura iskaga tegey Laanta af-Soomaaliga BBC (Magacyadooda & Sababta)

0

(Nairobi) 03 Maajo 2023 – Ugu yaraan siddeed ka mid ah saxafiyiinta BBC ayaa maanta macsalaameeyey hawshii ay ka hayeen BBC.

Saxafiyiintaas ayaa muddooyin kala duwan ka soo shaqeeyey BBC, waxaana ka mid ah Cabdifataax Ibraahim Cagayare, Axmed Maxamed Ibraahim (Nagaashe), Ciise Xaaji Cabdulle, Faaduma Yusuf Siciid (Taxadar), Mucaawiya Muxumad Buraale, Maxamed Shiil Xasan iyo Cabdiraxmaan Xaaji Caddow.

Shaqo ka tegista ayaa timid ka dib hanaan muddo soo socday oo shaqaalaha laamaha kala duwan iyo maamulka BBC ay isku dhaafsanaayeen dib u habayn lagu sameynayey qaab dhismeedka shaqo ee BBC, kaasoo iminka dhaqan galkiisa uu billowday.

Hanaankaas marka laga yimaado, waxaa iyagana ku jira shaqaalahaas kuwo si iskood ah uga tegey shaqada, maamulka BBCna ku wargeliyey.

“Waad dareemi kartaa in ay culus tahay 12 sano oo shaqo ah ka dib in maanta ay tahay maalintii iigu dambaysay shaqada, haddana waxaan ku faraxsanahay in muddadaas aan shaqaynayey aan helay tababarro fara badan, oo aan samaystay saaxiibbo fara badan” ayuu yiri Cabdifataax Cagayare oo in ku dhow 12 sano ka soo shaqeeyey laanta afsoomaaliga ee BBC.

Saxafiyiintaas waxay dhamaantood u mahadceliyeen dadkii ay ka soo wada shaqeeyeen laamaha kala duwan ee BBC, waxaana farriimihii ugu dambeeyey ee ay u direen asxaabtooda shaqada ay ku xuseen inay ixtiraam iyo sharaf uga hayaan sidii ay u soo wada shaqeeyeen iyo in ay sii xiriiri doonaan mustaqbalka.

Dhinacyada ay ka hawlgali jireen ayaa waxaa ka mid ahaa Idaacadaha laanta afsoomaliga ee BBC, BBCSomali.com, iyo baraha bulshada ee BBC sida Facebook, Twitter, Instagram, iyo YouTube. Waxay sidoo kale si dhow ula shaqayn jireen laamaha kale ee BBC.

BBC ayaa joojisay tiro barnaamijyo ah oo luqado kala duwan ku bixi jiray, waxayna qaarkood ku sameeyeen dib u habayn xagga qaab dhismeedka shaqada ah, taasoo ah in sidoo kale dib u eegis lagu sameeyey tirada shaqaalaha iyo baahida shaqada. Intii uu hanaankaas socday waxaa qayb ka ahaa wadatashiyo lala yeelanayey wakiillada shaqaalaha BBC iyo ururrada shaqaalaha, waxaana ay taas keentay in si hufan uu qorshahaas ku soo idlaado.

BBC iminka waxay muhiimadda 1aad siisay wararka, barnaamijyada iyo sheekooyinka lagu gudbiyo dhinaca digital-ka, waxaana weli BBC ka hawl galaya shaqaale khibrad iyo aqoon durugsan u leh hawlaha warbaahineed ee ay hayaan, yaqaanana xeeraraka saxaafadda.

BBC

Hadalsame Media