Somaliland oo ugu dambayn aqbashay inay halkaa tagaan dad ay DF Somalia kasoo qaadday dalka Suudaan

0

(Addis Ababa) 03 Maajo 2023 – Maamulka Somaliland ayaa ugu dambayn lagu soo warramayaa inuu ogolaaday inay halkaa gaaraan dad Soomaaliyeed oo ay DF Somalia kasoo daadguraysay dalka Suudaan oo uu dagaal ka soconayo.

Sii-hayaha Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, Marwo Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamud, oo maalmahan ku mashquulsanayd daabulka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo qaxay dalka Suudaan ayaa maanta waxay garoonka diyaaradaha ee caasimada dalka Itoobiya ee Addisababa ee Pole International ku sagootisey muwaadiniin soomaaliyeed.

Dadka halkaa lagasoo sagootiyey oo ay tiradoodu gaarayso 74 muwaadin ayaa lagu warramayaa in la gayn doono magaalada Hargaysa oo ay deeto kasii kala aadayaan magaalooyin kale oo ku yaalla woqooyiga dalka Somalia sida Boorama, Burco, Berbera IWM.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto dadaallada lagu soo badbaadinayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee kasoo qaxay dalka Suudaan halkaasi oo ay hadda ka socdaan dagaallo sokeeye.

Sidoo kale Safaaradda Soomaaliya waxay heegan ugu jirtaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa guryahoodii iyo ehelkoodii goobkasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah.

Waxaa howsha agaasinkeeda wada Danjire Cabdiraxmaan Diinaari oo horay u ahaan jirey Danjirihii Somalia ee Koonfurta Suudaan, kaasoo uu howshan u xilsaaray MW Xasan Sheekh, sida uu sheegay.

Somaliland ayaa horay uga biyo diidsanayd in dadkan la geeyo Somaliland, sida ay warbixinnadii hore sheegayeen.

Hadalsame Media