MW Ukraine oo jawaab ka bixiyey dhaartii Ruushka ee weerarka Moscow + Sabab uu sheegay (Daawo)

0

(Kyiv) 03 Maajo 2023 – Kaddib markii uu Ruushku sheegay in la weeraray xarumaha ugu muhiimsan DF Ruushka sida Qasriga Madaxtooyada iyo Aqalka Hoose ee Kremlin-ka islamarkaana ay ku gooddiyeen inay aarsan doonaan.

Waxaa soo jawaabey nidaamka Kiev oo ay Ruushku ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan weerarkan oo loo adeegsadey daroonno la miineeyey.

MW Ukraine ee Volodymyr Oleksandrovych Zelenskyy oo arrintan ka jawaabayey ayaa sheegay inaysan wax shuqul ah arrintaa ku lahayn, isagoo ku dooday inay kaliya Ruushka ku weeraraan dalkooda Ukraine dhexdiisa.

“Ma weerarin Putin ama Moscow, waxaan ku dagaallanaa dhulkeenna. Waxaan difaacaynaa tuulooyinkeenna iyo magaalooyinkeenna,” ayuu warkiisa ku bilaabay MW Ukraine oo sheegaya sababta.

”Ma hayno, sidaad ogtihiin, hub ku filan oo aan tan ku samayno. Taasina waa sababta aynaan ugu isticmaalin meel [kale].” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media