”Deji mobaylka wixii ku dhalay….!” – Qofka sidaa u hadlaya waa sarkaal ka tirsan CDS waana qayb ka mid ah wixii aan Xamar xasarad kusoo arkay

0

(Hadalsame) 02 Maajo 2023 – Deji mobile-ka!, hoos u deji!….. wixii ku dhalay iyo aabahaaba sidaa iyo sidaa ku sameeye! waxa xigay in uu igu soo fiiqay qori AK47 ah.

Waa sarkaal ciidanka Millateriga ka tirsan oo ku tiirsan dhagax uu dhufays uga jirey oo ka hoos dhisan Taallada Maxamed Cabdulle. Waa askari da’yar oo ku dhex jira dhar uskag ah. Taallada uu badbaadada ugu hoos dhuumanayo ayaan sawiro ka qaadanayey.

Muddo dheer oo aan qurbaha qaxooti ku ahaa, waxa aan dareemayey farxad iyo dareen dad, dal iyo deegaan jacayl. Maskaxdayda waxa ku daabacnaa Xamartii aan ku soo koray. Waxa ay ahayd Xamar iyada mooyee aanan aqoon magaalo kale.

Dhismaheedii burbursanaa, qashinkii dariiqyada daadsanaa, duruufta iyo diifta ka muuqatey dadka iyo milicda kululi waxa ay ahayd wax naftaydu la qabsatay oo caadi ah. Hadda wax aan muddo ku noolaa magaalo nadiif ah. Waxa aan sidoo kale la noolaa dad naftooda wax ku falaya oo daryeelaya.

Duullimaadkii iga dajiyey Xamar goor barqo ah, waxa uu markii ay diyaaraddu cago dhigatay duuliyihii diyaaraddu qabtay bareeg adag oo rakaabka ruxay. Isla ilbiriqsigaas ayuu kala wareegay. Dib waxa nin Decale hotel dhex fadhiya oo fartiisa midig sanka kula jiraa ii sheegay in garoonku yar yahay oo ay sababta bareeggu sidaa ahayd.

Diyaarado yaryar oo magaca UN ku buufsan yahay yaa daadsanaa gegada diyaaradaha Aden Cadde. Soomaali dhuudhuuban ayaa barxadda diyaaraduhu ka duulaan xaggaa iyo dhankaa u kala socanayey oo marka ay qoslaan dan la’aan isu salaamayey sida dad isku cusub.

Degnay oo dhanka ajaanibtu ka baxdo u dhaqaaqnay. Sawirada garoonka oo aan hore u daawaday wax aan u haystay madaar wayn oo qalabaysan. Laakiin run ahaantii waxa uu u ekaa bakhaar wayn ama saylad xoolaha lagu kala iibsado.

Albaabka aan u dhaqaaqnay ee safarrada imanayey ee caalamiga ah ama ”International arrivals-ka” waxa ku dhegganaa albaab wayn oo aad u wasakahysan oo lagu xareeyo cagafcagafta iyo gawaarida diyaaradaha looga soo dego.

Saf baan u galnay saddex koontarool oo FIISAHA laga qaato. Aniga oo safkii dhex taagan ayaa qof ku qayliyey magacayga; fulaan hebel taqtaq! Haa, waa aniga mudane. Haa, ka soo bax safka! Haye. Waxa uu i hormarsiiyey dadkii oo dhan. Waa saaxiibbkay aan isku xaafad kusoo kornay.

Inkasta oo aan xiriir lahayn oo aan dhowr jeer usoo dhiibay xinnaha timaha masuuliyiintu ku madoobeeyaan hadana muddo ismaanu arkin. Waa Wasiiro Dowle. Xilka waxa uu ku helay, aabihii oo ahaan jiray ninka maqaska u qabta marka uu Xohayihii Guud ee Xisbugii Kacaanka Hantiwadaaggaa Soomaalida ee Siyaad Barre uu xarigga ka jarayo mashaariicdii 21kii oktoobar.

Halkaas ayay ka bilaabatay caddaalad daradii, shaxaadkii iyo baaddii aan Xamar kusoo arkay. Aan gudaha u galno Muqdishada mooryaanta badan oo aan Decale ugu tagno Xildhibaano iyo madax Muumul Goboleed….

La soco qaybo kale….

W; Q: Idriis Maxamed Campione

Hadalsame Media