Somalia oo suuq cusub u heshay xoolaha nool kaddib dagaalka Suudaan (Dal sheegay inuu iibsanayo)

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2023 – Xilli ay iskahorimaadyada Suudaan iyo Ukraine ay carqaladaynayaan silsiladaha sahayda cuntada, ayay Soomaaliya waxay raadinaysaa inay ka faa’idaysato baahida cuntada ee sii kordhaysa ee Masar, gaar ahaan qaybta xoolaha nool.

Xaaladda sugnaanta cuntada ee Masar ayaa noqotay arrin walaac leh, wuxuuna waddanka Masar si firfircoon u raadinaya ilo kale oo uu ka helo badarka, sarreenka, iyo xoolaha nool.

Xiisadda Suudaan ayaa albaabada u furtay Hilibka laga keeno Soomaaliya iyo Chad si loo ilaaliyo silsiladda cunnada ay helaan muwaadiniinta Masar, sida uu sheegay Cali Al-Moseli oo ah Wasiirka Sahayda iyo Ganacsiga Gudaha Masar.

Al-Moseli ayaa dhowaan yiri, “Dhibaatada Suudaan awgeed, waxaa jirta fursad ah in hilib aad u wanaagsan uga keensanno Soomaaliya iyo Chad si aan muwaadiniinteena u quudinno.”

Sida laga soo xigtey shirkadda maalgashiga Suudaan, ganacsiga u dhexeeya Masar iyo Suudaan, gaar ahaan xoolaha nool iyo wax soo saarka beeraha, ayaa kor u kacayey ilaa 2018.

Hase yeeshee, wax-soo-saarka Suudaan ee Masar taga wuxuu hoos ugu dhacay $ 364 milyan oo Doollar 2020, halkii uu ka ahaa $ 469 milyan sannadkii 2018-kii.

Qaybtii hore ee 2021-kii. Dhoofintu waxa ay gaartey ilaa 300 oo milyan oo Doollar, iyada oo xoolihii la dhoofiyey ay ku dhowaad kala bar ka yihiin.

Waxyaalaha ugu horreeya ee Soomaaliya laga dhoofiyo waxaa ka mid ah xoolaha nool, mooska, haragga, kalluunka, dhuxusha, iyo biraha duugga ah.

In ka badan 60% dadka dalku waxay ku tiirsan yihiin qaybta xoolaha nool cunto ahaan iyo dakhli ahaanba.

Masar ayaa u wada baahan ari, ido, lo’ iyo geel intaba.

Hadalsame Media