XOG: Imaaraadka oo la sheegay inuu Somalia la maaggan yahay dibirtii Yaman, Libya & Suudaan + Heshiisyo mugdi ah

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2023 Waxaa todobaadkii seddexaad galay dagaalka Suudaan oo aan u muuqan mid uu xalkiisu sahlan yahay, balse mar qura uun si sahlan ku bilowday iyadoo aan la filaynin. Waxaa dagaalkaa ku lug leh nin gacan saar la leh Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka oo horay dagaallo noocaas ah oo wakaaladeed uga ridey dalal ay ka mid yihiin Yaman, Suuriya, Itoobiya iyo Libya, ayaa laga digayaa inay Somalia u noqon karto bartilmaameedka xiga, haddii aan laga fiirsan.

“Howlaha gurracan ee Imaaraadku ka wadaan Soomaaliya ee aan xakamaynta lahayn waxay keenaysaa inay ka geystaan wadanka  wixii ay ka gaysteen dalalka Yemen, Liibiya iyo Sudan oo ay hadda hurinayaan, taas oo ina dhaxalsiinaysa rajo la’aan.” ayuu maalin dhowayd soo qoray C/laahi Kulane oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Waxyaabaha farta lagu godayo waxaa ka mid ah jiritaanka heshiisyo uu madmadow badani ku gedaaman yahay oo ay galeen qaar ka mid ah madaxda sare ee Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadku, kuwaasoo ay ka dambayn karaan dano gurracan oo uu Imaaraadku leeyahay.

Waxaa heshiisyadaa ka mid ah qaar khuseeynaya Jasiiradaha Koyama iyo Chovaye, Dekadaha dalka iyo heshiisyo lagu samaynayo ciidan hoos taga Imaaraadka oo aan ahayn midka Xoogga Dalka iyo sidoo kale hubaynta maleeshiyaad gaar ah iyo calooshood u shaqaystayaal ay ka samaystaan dalka, si la mid ah RSF-ta Suudaan oo haatan la dagaallamaya ciidankii dalkaasi.

Waxaa ugu dambayntii muhim ah in iyada oo la eeganayo shilimaad yar iyo xaqal jeeb aan xalaal ahayn san iyo sayn la iskaga xiro dalka, iyadoo weliba lacagtaas lagu heli karo waddo xalaal ah haddii dalka lagu rido dhabbe horumar iyo baraare u horseedaya, halkii dib loogu celin lahaa mashaqo iyo burbur uu wado dal aan danteenna ka shaqaynayn.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media