UK: Xog xasaasi ah oo ku saabsan dhismaha gujis nukliyeer leh oo laga helay musqul dhexdeed (Maxaa ku qoran?)

0

(Barrow-in-Furness) 29 Abriil 2023 – Qorshayaasha dhismaha habka gantaal badeedka torpedo loogu xiro maraakiibta cusub ee nukliyeerka ku shaqaysa ee Royal Navy  ayaa laga helay sagxadda gudaha musqul ku taalka meel baar ah, sida uu qorayo The Sun oo soo xiganaya ilo hoose.

Faylashan oo ku saabsan gujiska HMS Anson, oo ah heerka Astute-class, ayaa lagu soo warramayaa in loo calaamadeeyey inuu ‘yahay xog xasaasi ah’ – taasoo ah heerka labaad ee nidaamka kala soocida saddexda heer ee siraha Dowladda UK.

Dadka gacanta ku haya macluumaadka xasaasiga ah ee rasmiga ihi waa inay u hoggaansamaan ‘baahida loo qabo inay ogaadaan’ In dukumentiyada noocan ihi aysan u gudbin meel ka baxsan hilinnada lagu wadaagi karo ee rasmiga ah,  sida ku qoran website-ka Wasaaradda Cadaaladda.

Sida laga soo xigtey wargaysku, faylasha ayaa laga helay maqaaxi khamriga lagu fuudo oo ku taal magaalada dekedda ah ee Barrow-in-Furness, ee woqooyiga England.

Waxay ku taallaa meel aan ka fogayn goobta maraakiibta lagu dhiso ee shirkadda BAE Systems halkaas oo laga dhisayo maraakiib badeed badan. Waxaana maqaaxida ka buuxay dad ka kooban ciidan iyo rayidba.”

“Waxaan galay musqusha, qorshuhuna waxa uu yaalley sagxadda musqusha qof kastaana wuu arki karey.” Ayuu yiri qofkii arkay.

Faylasha ayaa lagu soo warramayaa inay ku qornaayeen sharraxaado ku saabsan haydarooligga gujiska, kaas oo “xakameeya daboollada furmaya ee uu ka baxo gantaalka torpedo-ga, hanaanka hagitaanka iyo dhaqdhaqaaqiisa.”

Afhayeen u hadlay Ciidamada Badda UK ayaa u sheegay The Sun in faylalku ay yihiin “dokumentiyo tababar,” laakiin wuxuu raaciyay in “xaaladaha ku hareereeysan” la baari doono.

Hadalsame Media