Meelaha aad ka daawan karto ciyaarta Algeria vs Somalia ee caawa?

0

(Hadalsame) 29 Abriil 2023 – HALKEE LAGA DAAWAN KARAA CIYAARTA?

Waa su’aasha ugu badan oo ay isoo weydiiyeen asxaabteyda qiimaha badan ee ku xiran boggeyga, waa tan Jawaabta tartiib u akhriso.

HADII AAD JOOGTO SOMALIA

Muqdisho: hadii aad caasimadda joogto waxaa laga daawan karaa Cables-ka sida: (Astaan – Asal24 – Bile TV & Rajo Cable).

Meelaha kale ee wadanka hadii aad joogto waxaad ka daawan kartaa Cables-ka markaas shaqeeya, hadii uusan ka shaqeyn waxaad laga daawan karaa (Bein SPORT 3).

Hadii aadan TV heli karin, waxaad ka daawan kartaa Mobile-kaaga (Application-ka) Yaccine oo ay ku wada jiraan Channels-ka Bein Sports.

Hadii dhalo Smart ah guriga kuu taalo joogtana meel ka baxsan Soomaaliya waxaad ka daawan kartaa YOUTUBE-ka Xiriirka Qaaradda Afrika ee (CAF TV).

Link-ga Youtube-ka: https://www.youtube.com/live/Rb6gmXIYsQw?feature=share

Waxaan rajeynaa qof walba oo qoraalkaan akhriyay inaan u sheegay xalka uu caawa ku daawan ciyaarta Algeria & Somalia.

F.G: Hadii aadan qoraalkeyga dhan fahmin, Link-ga marka ay ciyaarta bilaabato ayaan soo dhigi doonaa.

W; D: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media