”6,000 oo doollar ayay naga doonaysaa si biyaha loo furo dad baana dhintay” – Guddoomiye Degmo lagu eedeeyey ku takri-fal awoodeed & Turid la’aan (Daawo)

0

(Muqdisho) 29 Abriil 2023 – Waxaa Muqdisho ka da’ay roobab mahiigaan ah oo sababay inay webiyo yaryar isu rogaan jidadkii caasimadda.

Tan ugu darani waa inay dadku ka cabanayaan qaar ka mid ah dadkii ay ahayd inay arrintan wax ka qabtaan.

Dadwaynaha xaafad ka mid ah Wardhiigley ayaa Guddoomiye Saynab Xaabsay ku eedeeyey inay lacago adag ku xirtey inay iska furaan biyaha guryohooda dhex fadhiya.

“Waxay nagu xujeysey inaan siinno 6,000 oo Doollar, iyadu dalka miyay u shaqaysaa mise?” Ayay dadwaynuhu is waydiiyeen.

Dadka xaafaddan ayaa ku cowdey in diidmadaasi ay keentay inay biyuhu fariistaan xaafadda deetana uu qof ku dhinto takri-falkaas.

Guddoomiyaha oo ay dad badani horay ugu eedeeyeen inay dadwaynaha ka qaaddo lacago ka baxsan canshuuraha jira oo aan wax lagu qaban ayaan weli arrintan ka hadlin.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hadalsame Media