Gool qurux badan oo uu dhaliyey laacib Soomaali ah oo aad looga hadal hayo Sweden (Daawo)

0

(Hadalsame) 25 Abriil 2023 – Waxaa aad loo hadal hayaa gool qurux badan oo Ronaldo-esque ah oo uu shalay dhaliyey laacibka Soomaaliyeed ee Daaha Cali.

Laacibkan Taha Abdi oo ah xirfadle soo maray kooxo badan oo ka ciyaara horyaalka Sweden ayaa shalay gool uu xitaa goolwalaha u qabtay wuxuu u dhaliyey kooxdiisa haatan ee Malmö FF oo ka mid ah kuwa ugu waawayn horyaalka Sweden.

Daaha Cali oo 24-jir ah ayaa goolkan ka dhaliyey kooxda Norrköping ee ka ciyaarta isla horyaalka Sweden, waxaana aad loo hadal hayaa gooysmada cajiibka ah ee goolwalaha.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media