SAWIRRO: Xulka Junyarka Somalia oo tijaabadii da’da laacibiin badan looga reebay & Xulka ay la dheelayaan oo u muuqda mid ka wayn (Goorta ay dheelayaan?)

0

(Algiers) 24 Abriil 2023 – Xulka Junyarka ee 17-jirrada ayaa gaarey magaalada Algeris ee caasimadda Aljeeriya, halkaasoo ay durba ku mareen tijaabadii ugu dambaysey ee hubinta da’da lagu qaado aaladda MRI Scan, balse la fili maayo inay dhibaato ka timaado maadaama ay horay mid tijaabo ah ugu mareen Ethiopia.

HADDABA GOORMA AYAY CIYAARAYAAN KULANKA KOOWAAD?

Waxay kulanka koowaad ciyaarayaan Sabtiga soo aaddan, 29-ka Abriil, saacadda maxalliga ah ee Somalia marka ay tahay 10:00 fiidnimo (Xilliga Geeska Afrika).

Weliba waxaa kulankan muhiimad gaar ah u yeelaya inuu yahay furitaanka tartanka, waxaana lagu dheeli doonaa gegada Nelson Mandella, iyadoo laga daawan doono Afrika iyo dunidaba.

Waxaa iskaankii horay loogu qaaday gudaha Itoobiya ku haray ilaa 8 laacib oo ay da’doodu noqon waydey middii la filayey.

Dhanka kale, sawirro laga baahiyey xiddigaha Senegal, oo ka mid ah xulalka ay la ciyaarayaan, ayaa hadal hayn ka dhaliyey baraha bulshada Soomaalida, iyadoo dood laga keenay muuqaalkooda & da’da ay tartanka ku ciyaarayaan.

Hadalsame Media