”Sharraxaad ayaan u baahan nahay” – Ruushka oo jawaab deg deg uga baahan Finland

0

(Hadalsame) 20 Abriil 2023 – Safaaradda Ruushka ee Finland ayaa dalbatay sharraxaad deg deg ah kaddib markii xayiraad lagu soo rogey hanti ma guurto ah oo uu leeyahay qaranka Ruushka oo taalla Helsinki.

“Dalab ayaa loo gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Finland si ay u sharaxdo sida ay tillaabooyinka ay qaadday u waafaqsan yihiin xeerarka caalamiga ah ee ku saabsan xasaanadda hantida qaran ee dal (shisheeye),” ayay Safaaraddu ku sheegtay bayaan kasoo baxay.

Sida laga soo xigtey saraakiisha Ruushka, maamulka Finland waxay tillaabada ay qaadeen u cuskadeen cunaqabataynta Midowga Yurub markii ay xayiraad kusoo rogeen dhismaha Xarunta Sayniska iyo Dhaqanka ee Ruushka, dhulka ku hareeraysan, iyo guryaha diblamaasiyiinta halkaas ka shaqeeya.

Wargayska Helsingin Sanomat ayaa sheegay Talaadadii in wakaaladda soo celinta daynta ee Finland ay xayiraad ku meel gaar ah saartay dhismaha Ruushka toddobaad kahor iyadoo fulinaysa codsi ka yimid Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Finland.

Saraakiishu hadda waxay haystaan saddex toddobaad si ay u go’aamiyaan haddii hantida lala xiriirin karo shakhsiyaadka ama hay’adaha liiska madow ku jira. Amarkani wuxuu ka mamnuucayaa in milkiilaha oo ah DF Ruushku ay inta ka horreeysa sameeyso heshiisyo ku lug leh hanti maguurto ah.

Wargaysku waxa uu intaa ku daray in todobada guri ee laga doodayo ay iska leedahay Rossotrudnichestvo, oo ah hay’ad federaali ah oo Ruush ah oo qaabilsan iskaashiga caalamiga ah, taasoo EU-du ay sannadkii hore ku dartay liiska madow.

Bishii hore, mas’uuliyiinta Finland ayaa waxay sidoo kale xayireen akoonka Xarunta Sayniska iyo Dhaqanka ee Ruushku ay ku lahayd bangiga qaranka Nordea, sida uu faafiyey kanaalka TV-ga YLE.

Hadalsame Media