“Wax la cuno lama heli karo” – Madaafiic maalintii 3-aad la isku garaacayo & Laba isbitaal oo Khartuum ku yaal oo la duqeeyey

0

(Khartuum) 17 Abriil 2023 – Qaraxyo ayaa gilgiley caasimadda Suudaan ee Khartuum maanta iyada oo dagaal u dhexeeya ciidamada Suudaan iyo kooxda hubaysan ee Rapid Support Forces (RSF) uu socdo maalintii saddexaad.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa maanta isna ku biiray dadaallada gobolka ka socda ee lagu doonayo in lagu cadaadiyo dhinacyada dagaallamaya inay joojiyaan dagaalka oo ay kusoo laabtaan wadahadalka iyadoo tirada dadka rayidka ah ee dhintay ay kor u dhaaftay 97 qof.

Dallia Mohamed Abdelmoniem oo ah gayfane Sudani ah ayaa sheegtay in dadka ku nool Khartuum ay dhibaato ku qabaan helidda cunnada xilli uu socdo dagaalku.

“Wershado badan ayaan shaqaynayn. Magaalada oo dhan waxaa ka jira koronto la’aan. Dukaamada waawayn, wax soo saarka iyo badeecadaha kale way go’een,” ayay u sheegtay Al Jazeera.

“Xitaa haddii aan awoodno inaan ka baxno guryaheenna, ma awoodno inaan wax helno.” Ayay ku catowday.

Dhakhaatiirta Khartuum ayaa ugu baaqaya dhinacyada dagaallamaya inay joojiyaan weerarrada ay ku hayaan isbitaallada si ay xarumuhu usii shaqeeyaan.

“Duqaymihii isbitaalka al-Shacab iyo isbitaalka al-Khartuum ayaa horseeday in la joojiyo adeegyadii waaxyadooda gurmadka.” Razan al-Douri, Xoghayaha Warbaahinta ee Ururka Faafimaadka Sudan, ayaa u sheegay Al Jazeera.

Hadalsame Media