Yaa casharka cajiibka ah siiyey Ashraf Xakiimi (Laba dhacdo oo xanuun badan oo qabsatay laacibiin Afrikaan ah)

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2023 – Ashraf Xakiimi ayaa maalmahan waxaa dunida laga hadal hayaa jar uu u degey gabar uu qabey oo doonaysey inay hantidiisa ka qaadato kaddib markii ay Hiba Aboukhris Benslimane oo Spanish ah, balse asal ahaan Tunisia iyo Libya kasoo jeeddaa ay furriin ka dalbatay maxkamadda xilli kufsi lagu eedaynayo ninkeedii.

Haddaba, halkee ayuu casharrada kasoo qaatay? Inta badan dumarka Galbeedka ee guursada ragga xoolaha haysta ayaa lagu xantaa inaanu xiriirku dhab ka ahayne ay yihiin danaystayaal u jeeda ninka xoolihiisa ama waxa loo yaqaan ”Gold Digers.”

Waxaa jira dhacdooyin aad loo diiwaangeliyey sida middii jilaaga Johney Depp iyo Ambar oo uu salkeedu ahaa inay lacag magdhow ah hesho, balse ay markii dambe ku fashilantay iyadana lagu xukumay inay lacag bixiso iyo qaar kaloo badan. Bal aan eegno waxa ku dhacay labadan laacib ee Afrikaanka ah.

Laacibkii hore ee kooxda Arsenal oo malaayiin Euro ka helay intii uu ka ciyaarayey Ingiriiska ayaa dhammaan hantidiisii waxaa kala wareegtey xaaskiisii hore 2017-kii. Eboue, xilligaas wuxuu ahaa 34-jir.

Marka laga soo tago inuu lumiyey dhammaan hantidii xaaskiisa, waxa uu sidoo kale kala kulmay arrin qalbi jab leh waayo waxay xitaa u diidey inuu arko ilmihiisa – gabadhihiisii Clara, 14-jir, iyo Maeva, 12, iyo wiilkiisa Mathis, 9-jir, xitaa xilligii fasaxa Diseembar ee sanadkaa waa uga dhaaratay.

Waxa uu bilaabay inuu ku seexdo furaash yaalla meel qaybta hoose ee badiyaa alaabooyinka lagu kaydiyo ama basement ah oo uu ku sugnaa saaxiibkii [Yaasmiin Razak], waxa uuna raacayey gaadiidka dadwaynaha tiiyoo uu wadan jirey gawaari qaali ah.

DHACD KALE OO U DHIGANTA – Ciyaartooy reer Zimbabwe ah ayaa gurigii iyo baabuurtiiba waxaa uu ku waayey xaaskiisii hore kaddib markii uu magaceeda ku diiwaangeliyey hantidiisa.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Zimbabwe, Tendai Ndoro, ayaa sanadkii 2021-kii gebi ahaanba kacay kaddib markii uu waayey dhammaan hantidii xaaskiisii hore markii ay kala tageen.

Ninkan oo 36-jir xilligaa ahaa ayaa la sheegay inuu hantidiisa ku diiwaan galiyay magaca saaxiibtiis oo Koonfur Afrikaan ah, Thando Maseko.

Ndoro iyo xaaskiisa oo ah gabar moodal ah, ayaa waxay ku wada noolaayeen Koonfur Afrika iyagoo deganaa guri uu malaayiin doollar ka bixiyey ku yaalla xaafadda Kyalami Estates ee Johannesburg.

Former Arsenal star now lives in abject poverty; loses properties to wife | Obuasitoday.com

Eboue: How I Lost All My Millions To My Ex-Wife - Complete Sports

Former Warriors striker loses cars, home to South African wife after divorce - MyJoyOnline.com

Football star Tendai Ndoro loses house, cars to ex-wife after divorce

Hadalsame Media