MAXAA XIGI KARA? Waayo ninka & dalka ka dambeeya dagaalka saaka Sudan ka qarxay

0

(Hadalsame) 15 Abriil 2023 – Dagaalka ka socda wadanka Suudaan:

Waxuu qarxay saakay kadib markii ciidanka lagu magacaabo “Dacmu Sariic” ay weerareen xaruumo ay ciidanka dowlada fadhiyeen.

Markii hore ciidanka dowlada oo uu hogaamiyo ninka la yiraahdo Burhaan waa la riixay oo la kuusay laakiin hada waxey u muuqataa in ciidanka dowlada ay awoodoodii dib u soo ceshteen meelihii laga qabsaday oo dhana ay dib u qabsadeen.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jiray ismari waa u dhaxeeyey ciidanka dowlada iyo kuwa Dacmu Sariic oo ku saabsan habka mustaqbalka siyaasada ee wadanka.

Dacmu sariic waa ciidan u abaabulan maleeshiyad ahaan oo kale, waxaa abuur abuuray Madaxweynihii hore Cumar Xasan Al bashiir, waxaa hogaamiya nin awood badan oo la yiraahdo Max’ed Xamdaan Diqlo “Xumeydati”, oo Imaaraadka gacan saar la leh.

Wuxuu horay sidoo kale u ahaa hoggaamiye Janjawiid ah ciidankaan waxey taageero ka haystaan dowlada Imaaraadka Carabta waxaana la aaminsan yahay iney iyada ku dhiiro galisay iney dagaallamaan.

Hada waxey u muuqataa in ciidanka qaranka Suudaan oo taageero ka helaya dadweynaha iney gacanta sare leeyihiin.

Hadii aysan wax walba ku dhamaan 24-ka ee soo socda Suudaan waxey ku dhacday god dheer.

W; Q: Khaalid Macallin

Hadalsame Media