”Waan diiddan nahay xadgudubka Shiinaha” – Somaliland oo dhex booddey Shiinaha & Taiwan

0

(Hargaysa) 12 Abriil 2023 – Maamulka Somaliland ayaa weerar ku qaaday Shiinaha oo beryahan dhoollatus hareerayn ah ka wadey agagaarka gasiiradda Taiwan oo asal ahaan ka tirsanayd Shiinaha, balse haysata madaxbannaani beenaad.

Somaliland oo lafteedu sheegata inay 1991-kii ka go’day dalka Somalia intiisa kale beryihii dambena xiriir la lahayd TAIWAN, ayaa hiillo u muujisay Taiwan.

”Xuduudaha qaran ee jira ee waddan waa in la ixtiraamo lagana ilaaliyo argagixisada kusoo duusha ama khatar dibadeed” ayuu lagu bilaabay qoraalka.

”Laakiin dhoollatuska Shiinuhu, dhab ahaantii, waxayku xadgudbayaan maqaamka haatan ee Marinka Taiwan.

”Somaliland waxay la safan tahay Taiwan waxayna la midaysan tahay dimoqraadiyadaha kale.” ayay raacisay war kasoo baxay WAD Somaliland.

May be an image of text that says 'MFA Somaliland @somalilandmfa A country's existent national borders are to be respected and protected against terrorism infiltration or external threats, but #China's drills are, in fact, breaking the #TaiwanStrait status quo Somaliland stands strong with Taiwan and are united with fellow democracies.'

Hadalsame Media