Laacib ay kooxdiisu u diiddey inuu soomo oo qaaday tillaabo cajiib ah

0

(Paris) 11 Abriil 2023 – Ninkani waa ciyaartooy Muslim ah una dhashay dalka Algeria. Magaciisu waa Joan Hajjam waxaanu u ciyaara naadi Faransiis ah oo la yidhaahdo Nantes. Horraantii bisha Ramadaan ayuu naadigiisu ka dalbaday inuu soonka iska dhaafo.

Markii uu arrinkaas diiday ayaa la dul-dhigay ganaax ah inaanu naadiga u ciyaari karin bisha Ramadaan oo dhan. Sawirkan ayaa laga qaaday isaga oo ku sugan masaajid.

Bishan Ramadaan ayaa waxaa soo baxday kala duwanaanta hab-dhaqanka horyaaladda Ingiriiska iyo Faransiiska. Waxaynu hore u soo aragnay in ciyaaro badan oo Ingiriiska ah hakad la yara geliyay si ciyaartooyda muslimka ahi u afuraan.

Halka horyaalka Faransiisku amaro soo rogay inaan ciyaar socota loo joojin karin waqtiga afuradda awgeed.

Waxaa kale oo naadiyadda Ingiriiska qaar ka mid ahi ay afur-wadareedo u sameeyeen Muslimiinta taageerayaashooda ah ee ku nool magaalooyinka ay ka dhisanyihiin.

W; D: Dr. Fosi Kofal

Hadalsame Media