WAR CUSUB: Kaddib Lubnaan Ciidamada Suuriya oo gantaalo ku garaacay Israel & Halka ay ku dhaceen

0

(Hadalsame) 08 Abriil 2023 – Saddex gantaal oo laga soo riday dalka Suuriya ayaa lala beegsaday buuraha Golan Heights xilli dhow, kuwaas oo mid ka mid ihi uu u tallaabay dhulka ay Israa’iil maamusho, waxaanu ku dhacay dhul bannaan, sida uu sheegay millateriga Israa’iil, isagoo aan faahfaahin ka bixin.

Horraantii waxaa mar qura is qabsaday dawannada digniinta gantaalaha bixiya kuwaasoo laga maqlay aagga oo idil, si ay dadku gabbaad u raadsadaan, sida ay sheegeen Ciidan IDF.

Tan ayaa imanaysa iyadoo maalintii Khamiistii, gantaallo aad u tiro badan Israa’iil looga soo ganay koonfurta Lubnaan, kuwaas oo keenay gantaalo rogaal celis ah oo ka yimid Israa’iil oo lala eegtay goobo xiriir la leh Xamaas oo ku kala sugan Lubnaan iyo Qaza.

Israa’iil ayaa Buuraha Golan ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii, waxayna ku darsatay 1,200-km oo isku wareeg ah (460-mayl laba jibaaran) sannadkii 1981-kii, tillaabadaas oo aysan aqoonsanayn inta badan beesha caalamku.

Habeennimadii Sabtigan waxa magaalada Qadiimiga ah ee Qudus ka taagan cabsi ku aaddan inay rabshado dhici karaan haddii ay Masjidul Aqsaa ay soo galaan Yuhuud raxan raxan ah oo xusaysa ciidooda Passover.

Palestinians demonstrate at Al-Aqsa mosque as Palestinian Muslims attend Friday prayers of the Muslim holy month of Ramadan, on the compound known to Muslims as the Noble Sanctuary and to Jews as the Temple Mount, in Jerusalem's Old City, April 7, 2023 (credit: AMMAR AWAD/REUTERS)

Hadalsame Media