ARSENAL MISE CITY? Roy Keane oo u codeeyey kooxda ugu cad cad hanashada horyaalka EPL

0

(Hadalsame) 07 Abriil 2023 – Roy Keane ayaa ku adkAystay inuu u malAynayo in Manchester City ay ku guulAysan doonto Premier League – inkastoo ay sideed dhibcood ka hooseeyaan Arsenal.

Kooxda Pep Guardiola ayaa ah kooxda difaacanAysa horyaalka, waxaana ay ku guulAysteen afar ka mid ah shantii horyaal ee ugu dambaysey.

City ayaa hal kulan ka yar Gunners, taas oo la macno ah in ay shan dhibcood oo kaliya ka dambayn doonaan wiilasha Mikel Arteta haddii ay taas ku guulaystaan.

“Iyagu (Arsenal) waxay taagan yihiin boos fiican. “Xaqiiqdii waa kuwa ugu cadcad horyaalka. Weli se waxaan qabaa in City ay qaadayso, laakiin Arsenal ayaa boos fiican taagan,” ayuu yiri.

“Kulamada iyaga (Arsenal) ay tahay inay badiyaan, waa kulamo cadaadis badan saari doona, mana aysan la tacaalin xaaladdaas oo kale dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Xataa sannadkii hore afarta sare way kusoo bixi waayeen.” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media