Maxamed Salaax oo fal-celin la hadal hayo ka bixiyey markii biyo loosoo taagey ciyaartii Liverpool vs Man City (Daawo)

0

(Liverpool) 03 Abriil 2023 – Xiddigga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa iska diidey inuu biyo cabo kaddib markii la bedaley kulankii Manchester City isaga oo sooman.

Salah, oo dhaliyey goolkii furitaanka ee kulankii Liverpool looga badiyey 4-1, ayaa la bedeley daqiiqaddii 70-aad ee ciyaarta.

30-jirkan ayaa qof ka tirsan shaqaalaha Liverpool wuxuu usoo taagey cabitaan biyo ah, balse taa beddelkeeda biyihii dhulka ayuu dhigay maadaama uu ku guda jirey bisha Ramadaan.

Ramadaanka oo ah bisha ugu fadliga badan taariikhda Islaamka, ayay Muslimiintu soomaan maalintii, wuxuuna bilowday 23-kii Maarso ilaa ugu badnaan 22-ka Abriil ayuuna socon doonaa.

Hadalsame Media