”Waxaan leeyahay dabeecadda dameerka” – Laacibka Kai Havertz oo ka hadlay jacayl daran oo uu u hayo dameeraha

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2023 – Laacibka reer Jarman ee Kai Havertz oo sidoo kale u safta kooxda Chelsea, ayaa ka hadlay arrin hadal hayn badan ka abuurtay baraha bulshada, kaddib markii uu sheegay inuu u riyaaqo dameeraha.

“Bilowgiiba, waxaan dareemay xiriir gaar ah oo aan la leeyahay dameeraha. Waa xayawaan aad u deggan: waxaa laga yaabaa inaan shakhsiyaddayda la xiriiriyey iyaga sababtoo ah aniguba waxaan ahay qof deggan,” ayuu yiri Kai Havertz.

“Dameerku waa deggan yahay maalinta oo dhan, kaliya waxay rabaan inay noloshooda ku baashaalaan. Mar walba waan jeclaa dameeraha.” ayuu u raaciyey Guardian.

Hadalsame Media