Macallinka laga cayriyey Bayern Munich oo la sheegay inuu aad uga cabsaday Sadio Mane oo ku xanaaqey

0

(Hadalsame) 29 Maarso 2023 – Julian Nagelsmann ayaa lagu soo warramayaa inuu u muuqday inuu cabsi geliyey muran kulul oo qolka dhar bedelashada ku dhexmaray isaga iyo Sadio Mane oo ka xumaaday fursad la’aanta kooxda Bayern Munich, kahor inta aan macallinkan shaqada la cayrin.

Sida laga soo xigtey Bild, doodda ayaa timid kaddib markii Bayern ay 2-0 kaga badisay PSG lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League 8-dii Maarso.

Waxay ku andacoonayaan in Mane uu aad uga carooday markii ciyaarta laga siiyey sideed daqiiqo oo kaliya isagoo ku jirey kursiga kaydka, wuxuuna si caro leh uga hor yimid Nagelsmann isaga oo hor taagan laacibiintii kale oo yaabban, iyadoo la sheegay in macallinnka 35 jirka ah uu u muuqdey mid cabsi dareemaya.

Nagelsmann ayaa sugey ilaa daqiiqaddii 82-aad ee ciyaarta si uu usoo geliyo Mane, iyadoo kooxda Jarmanku ay si raaxo leh ciyaarta ugu hoggaaminayeen guud ahaan 3-0.

Weeraryahanka reer Senegal – oo xagaagii £27.4 milyan ginni looga soo iibsaday Liverpool – jir ahaan diyaar ayuu ahaa laakiin kursiga kaydka ayaa la dhigay sida marar badan dhacday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee kooxda Bundesliga ka dhisan oo aanu uga muuqan sidii REDS.

Hadalsame Media