”Dib uma imanayo Sweden” – Ninkaa Kitaabka Qur’aanka gubayey oo ka cararay Sweden + Sababta (Daawo)

0

(Hadalsame) 24 Maarso 2023 – Fidnawadihii reer Danmark ee Iswiidhan Quraanka ku gubi jiray quus buu taagan yahay. Wax uu sheegay in uuna Iswiidhan dib u gu soo noqonayn, dadka reer Iswiidhanna wax uu ku tilmaamay doqommo aan waxba garanayn oo arrinkiisa taageeri waayay.

Shan bilood oo sannadkii hore ahaa oo uu arrintaa Iswiidhan ka waday dawladda waxaa ilaalintiisa ka ga baxday lacag ka badan 8 milyan oo Dollar, waxaana rabshadihii ku dhaawacmay 160 bilays ah, sida ay sheegtay warbaahinta qaranku.

Dhanka kale waxaa magaalada Malmö ka ga socota dacwad ah “dad maagid” taas oo uu sheegay in uuna tagayn.

Han anser att kravallerna inte fick de politiska konsekvenser han hade hoppats på och att han inte ser sig som en vinnare.

”Waxaan filayey rabshado. Dadka kaliya ee aan fahmin waxay ahaayeen Iswidhishka, sababtoo ah malaha waa doqomo,” ayuu yiri Rasmus Paludan, hoggaamiyaha xisbiga Stram kurs isagoo la hadlaya SVT.

Waxa uu aaminsan yahay in rabshaduhu aanay ka dhalan cawaaqibtii siyaasadeed oo uu ka filayey, islamarkaana sidaa darteed aanu isu arkaynin mid guulaystey.

”Waxaan ku guuleysan lahaa kaliya haddii dadka Iswidhishka ihi ay fahmayaan wixii aan sameeyey. Ma imaanayo Sweden mustaqbalka dhow waana arrin ku saabsan amaankayga.” ayuu raaciyey.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media