Karim Benzema oo ciyaartooyda Real Madrid u qishay laba laacib oo ”jilacsan” oo ka tirsan Liverpool

0

(Madrid) 19 Maarso 2023 – Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa shaaca ka qaaday wixii uu u sheegay xiddigga khadka dhexe ee Eduardo Camavinga si uu kooxdiisa uga caawiyo in ay garaacdo Liverpool lugtii 2-aad ee tartanka champions League oo ay ka reebeen.

Kooxda Los Blancos ayaa isu gayn ahaan labada lugood ku badisay 6-2, tiiyoo jugta ugu badani uu Reds soo gaaray lugtii hore ee musiibada aheyd ee ka dhacday garoonka Anfield, taasoo Liverpool 5-2 lagaga badiyey, waloow ay labo gool ku hormartay.

Ciyaarta kaddib, xiddigga Benzema, oo dhaliyey goolka kaliya ee madiga ah ee lugtii labaad, ayaa qirtay wixii uu u sheegay Camavinga si uu isku dayo inuu ciyaarta u furo kooxda difaacaneysa Koobka Horyaallada Yurub.

“Waxaan u sheegay Camavinga in labada daafac ee dhexe ee Liverpool ay aad u furan yihiin. Sidii dhacdayba xilligii goolka, aad ayaan ugu faraxsan ahay isaga, aad ayuu u da’ yar yahay laakiin aad ayuu u fiican yahay,” ayuu Benzema ku yiri (via ECHO).

Virgil van Dijk iyo Ibrahima Konaté ayaa loo aqoonsaday inay ahaayeen meesha ay ka ‘jilcanayd’ Reds kulankii Real Madrid oo ka faa’iidaysatey iyadoo habeenkaas uu goolku ka yimid Camavinga oo kubad joog hoose ah u dhex tuuray Benzema, taasoo Liverpool ay awoodi waydey inay ka fal celiso.

Hadalsame Media