RASMI: Iran oo si rasmi ah u heshay diyaaradaha Su-35 (3 dal oo Ruushka ku cadaadinayey inaan laga iibin)

0

(Tehraan) 11 Maarso 2023 – Diyaaradaha dagaalka ee Su-35, oo ay Iran horay uga dalbatay Ruushka, ayaa howshoodii la dhameeyey. Diyaaradahan ayaa waxaa si rasmi ah u iibsadey Ciidamada Cirka ee Iran.

Warkan ayaa kasoo baxaya dhinaca howlgalka diblomaasiga ah ee Iran ee Qaramada Midoobey. Sidoo kale warbaahinta Iran ayaa sheegtay. Waxaana ka mid ah Wakaaladda Wararka ee Mehr. Warbaahinta Turkiga ee sammunasanayist.com ayaa sidoo kale sheegatay iibsashada hubkan ee Iran.

Diblomaasiyiinta Qaramada Midoobey ee Iran ayaa intaa ku daray in “Diyaaradaha Sukhoi-35 farsamo ahaan la isku raacay iibsigooda Oktoobar 2020 markii xayiraaddii hubka caadiga ah Iran laga qaaday sida uu qabo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 2231.”

Waxaa la xusay in diyaaradahan laga iibiyey Tehraan inkastoo ay Israa’iil, Sacuudiga iyo Imaaraadku cadaadis ku saareen Ruushka inuu joojiyo ama dib u dhigo heshiiskan. Tirada diyaaradaha dagaalka ee laga iibiyey iyo qiimaha qandaraaska labaduba waa la sir culus.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in iibsashada Iran ee Su-35 ay wax ka bedeli doonto qorshaha Israel ee ku wajahan weerarka suurtagalka ah ee barnaamijka Nukliyeerka ee Iran.

Hadalsame Media