“Hanoola dhaqmin noocaas!” – MW Faransiiska DR Congo oo ay ka tafatay (Daawo)

0

(Hadalsame) 05 Maarso 2023 – Madaxwaynaha dalka Congo Felix Tshisekedi ayaa dhigiisa Faransiiska ku ganay erayadii ugu cuslaa ee dhowaanahan hoggaamiye Afrikaani kula hadlo madaxda reer Galbeedka.

Felix Tshisekedi oo madaxweyne Macron ku soo dhowaynaayey magaalada Kinshaasa ayaa si cadho ka muuqato ugu yidhi hadallo ay ka mid ahaayeen:

“Waa in uu isbeddelaa nooca xidhiidh ee Faransiiska iyo guud ahaan Yurub la leedahay Koongo. Waa in aad nagu eegtaan indho kale oo ah iskaashi xaqdhawr leh, aan ahayn eegmada islaweynida ah ee quudhsigu ku jiro.”

“Waxaad caydaan doorashooyinka Afrika ka dhaca idinka oo qabsada doorashooyin fadeexado hadheeyeen. Bal dib u xasuuso doorashadii Faransiiska ee xataa la yidhi dad dhintay baa codeeyey.” Ayuu raaciyey.

Labada Madaxwayne ayaa is barbar taagnaa markii hadalladan lays waydarsanayey, iyada oo arrimahani ay qayb ka ahaayeen safarka madaxweyne Macron uu ku marayey qaar ka mida dalalka Afrika.

Kaas oo ku doonaayey in uu dib u maslaxo waddamada Afrika ee ka gadoodey hab dhaqanka Faransiiska ee ku wajahan qaaradda.

 

W; D: Khaalid Foodhaadhi

Hadalsame Media