Todoba cilladood oo askartu qabaan & Afar ay Bajaajlaydu leeyihiin oo keenaya dilalka socda

0

(Muqdisho) 01 Maarso 2023 – Waxaa beryahan isasoo taraysa dilka loo gaysto dhallinyarada ku shaqeeysta Mooto Bajaajta oo markan faraha kasii baxaysa iyadoo ay dilka gaysanayaan dad lagu sheegayo inay yihiin ”Ciidankii Dowladda”, balse sida qoraalkan ku cad labada dhinacba mushkilad arrintan keenaysa ayaa ka jirta.

BAJAAJLAYDA

1: Bajaajlayaasha in badan oo ka mid ah iyaga ayaaba cabtooy ah, oo ciyaal weerada la sheego wax yar ayay ujiraan oo qaar ayaaba la sheegaa inay duran yihiin.

2: Dhanka kale ma qaataan tababar wade (Darawalnimo) oo qofka gaadiid loo dhiibayo waa inuu haystaa aqoonsi darwalnimo isla markaane waa inuu soo bartay Cilmiga wadoooyinka iyo wadda marista.

3: Malaha anshax waddo maris.

4: Waxaa ku jira quursi ay ciidanka yaraysanayaan.

ASKARTA – Dhanka askarta dhowr dhibaato ayaaa ka jirta.

1: Markoodii hore ayay ahaayeen la kariwaa, oo dhaqan ahaan Soomalida ay canugga dhahaan ”yuusan na fitnaynin ee askar nooga dara”, marka sidaa ayay ciidanka ku yimaadaan.

2: Masoo marin tababar (main courses iyo common courses labadaba) dhanka ciidannimo iyo dhanka akhlaaqda.

3: Waxay ku jiraan tiih, oo wadanka ayaa ah waddan argigixiso ukumo dhigatay markaa ciidanka cuqdad ayay ka qabaan shacabka oo waa loogu dhex jiraa.

4: Waxay maalin walbo goobjoog u yihiin gaari ama mooto qarax wada oo iyaga lagun qarxinayo markaa maskax ahaan ayay cabsiyi u haysaa.

5: Daroogo ayay qaarkood si caadi ah u qaataan halka Jaadka aan laba is waydiin, markaa askarigu waxa uu samaynayo maba u qiyaasna oo waa sakhraan.

6: Jaamka waddooyinka, oo dowladu waxay xirtaa laami yarayaasha ama isgoysyada yaryar oo ay gaadiidku ku kala nafisi lahaayeen, markaa askariga waxaa isugu imaanaya gaadiid aad u badan.

7: Amarka culus ee xagga sare kaga imaanaya, maadaama dagaal lagu qaaday kooxda Shabaabka, askarta waxaa la siiyey amar adag oo ah inay aad u baaraan gaadiidka markaa askarigu maadaama uusan lahayn cilmi iyo khibrad wuxuu adeegsanayaa awood.

FG: Sababahaas iyo kuwa kale ayaan is leeyahay way badinayaan dilka waana aragtidayda

W; Q: Cabdiwaasac Maxamuud Cumar

Hadalsame Media