Sheekh bogaadiyey nafta cusub ee ay Aqalka Sare gelisey gabar dhallinyaro ah oo Senatar ah (Daawo)

0

(Muqdisho) 01 Maarso 2023 – Gabar dhallinyaro ah oo Aqalka Sare ku jirta ayaa nolol cusub gelisey Aqalkan Soomaalida ku cusub oo inta badan fadhi ku dirir iska ahaa.

Dadwaynaha ayaa sidoo kale soo qaata doodeheeda iyadoo si kulul uga hadasha mawaadiic kala geddisan, sida midkan ay  soo jeedinayso in lasoo aqriyo hindisayaal sharciyeedka la keeno.

Sheekh Max’ed Idriis ayaa qoraal kooban oo uu ka sameeyey amaan kala dul dhacay isagoo ku tilmaamay qof “dareemaysa mas’uuliyadda” saaran. Waa kan hoose qoraalkiisu:

“Senator Maryan Faahiye, si gaar ah uma aqaan, laakiin waan bogaadinayaa, waxaan ka dareemay doodeheeda in ay ka mid tahay siyaasiyiinta xilku dhibayo, dhaartu culays ku hayso, isku deyaya in ay xilka u gutaan si ay ku jirto hawlkarnimo, xilkasnimo iyo daacadnimo.

“Waxaan Ilaahay uga baryayaa iyada iyo kuwa la midka ah ee yar, rag iyo dumar, in uu sugo, tawfiiqda waafajiyo, ummaddan dhibaataysan in ay u adeegaan ku garab galo.

“Damiirka nooli ma qarsoomo, dadka soomaaliyeedna waa idin ogyahay, hadduu doorashadiisa xor u ahaan lahaana, mar horuu codkiisa ku aarsan lahaa, maalin beyna iman doontaa ilaahay idankiis, ha daalina oo adkaysta.”

Si kastaba, siyaasadda Somalia ayaa iska noqotay mihnad macaash laga raadiyo iyadoo sii xumaanaysa maalinba maalinta ka dambaysa.

 

Hadalsame Media