”Waa maxay Nabad Sugid gabdhaha lagu shukaansanayo?” – Xil. Maryan Kaahin oo yaabban (Daawo)

0

(Muqdisho) 18 Feb 2023 – Sanator Maryan Kaahin oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa dhaliil u jeedisey hab-dhaqanka aysan xirfaddu ka muuqan ee ciidanka Nabad Sugidda Somalia ee NISA oo nidaam ahaan u muuqda kuwo aan waafaqsanayn shaqadii laga rabey, sida ay qabto.

“Dadka Nabad Sugida ka shaqeeya waxay gabdhaha ku shukaansadaan waxan ka tirsan nahay NISA, NISA ayaan u shaqeeyaa, xitaa Booliiska fursad ma siiyaan, halkii laga rabey inaan la garan.” ayay ku doodday Sanator Maryan Kaahin oo ka hadlaysey eegista sharciga NISA oo haatan u gudbey Aqalka Sare.

Waxay soo jeedisey in Ciidamada Nabad Sugidda looga baahan yahay inaysan muuqan ama is muujin ama yeeshaan xirfado kale oo ay ku dhuuntaan halkii ay jidka soo istaagi lahaayeen.

Warka Maryan ayaa imanaya xilli maalin kasta magaalada lagu arko ciidan la sheegayo inay NISA yihiin oo magaalada wareegaya, marar badanna xitaa dad rayid ah si khalad ah ugu dila magaalada iyo meelo kale amaba ay is xabadeeyaan ciidamo kale.

Hadalsame Media