LA YAAB: Robot-kii inta dhalaalo biraha ka dhex baxayey ee film-kii Terminator 2 oo isaga oo caadi ah la sameeyey (Daawo)

0

(Pennsylvania) 18 Feb 2023 – Indhahaagu kuma khiyaamine waxa aad arkaysaa waa run mana aha film: cilmi-baarayaashu waxay abuureen robot isu rogaya dareere oo awood u leh inuu sidiisii hore kusoo noqdo.

Si kale haddii loo dhigo, robot-ka lilliputian wuxuu aad ugu eg yahay midkii T-1000 ee 1991 ku jirey film-kii “Terminator 2,” taasoo mar kale caddaynaysa inaadan weligaa ka shakin aragtida for ee soo saaraha film-kaasi, James Cameron.

Daraasad cusub oo lagu daabacay joornaalka Cells, cilmi-baarayaashu waxay rabaan inay soo yareeyaan farqiga u dhexeeya aaladaha ama robot dhaqameedkii la yaqaanney ee birta ahaa oo ay keenaan mid jilicsan oo is rogrogi kara, iyagoo dhiirrigelin ka helay dhashe badeedka loo yaqaan sea cucumbers oo xaaladdiisa bedbedela.

Sida cad, taasi ilaa xad way u shaqaysay hadda. Bal u fiirso jaantuskan uu robot-kani uu ku dhalaalayo biraha dhexdooda isagoo sidaa uga baxaya xabsiga yar, isla sidii uu yeelayey robot-kii uu jilayey Robert Patrick ee film-kii ”Terminator 2.”

Si taas loo gaaro halkan, cilmi baarayaashu waxay sameeyeen maaddo ku dhisan gallium, oo ah walax ay xaaladdeeda maatar is bedelayso oo dareere iyo adke u kala guurta oo loo yaqaan “”magnetoactive solid-liquid phase transitional matter” (MPTM).

Waxaa dheeer, halka maaddooyinka kale ee sidan isu rogroga ay u baahan yhiin kul dibadeed, MPTM iyada ayaa is kululaynaysa ilaa ay dhalaasho, maadaama ay saxarro danabaysan oo taa ka saacidaya ku rakiban yihiin gallium-ka.

Taas marka lagu daro in loo sameeyey bar dhalaal hoose oo ah 86 darajo Fahrenheit oo qura, waxay u sahlaysaa robot-kan inuu dhaqse u dareeroobo.

Waxaana kululaynta, qaboojinta iyo dhaqaajinta loo adeegsanayaa aag danabaysan oo uu ku dhex socdo, sida uu sharraxay Carmel Majidi, oo ah Ingineer ka tirsan Carnegie Mellon University.

Hadalsame Media