Christian Atsu oo la xaqiijiyey inuu dhintay (Arrin uu sameeyey 5 saac kahor dhulgariirka oo dad badan cashar u noqonaysa)

0

(Hadalsame) 18 Feb 2023 – Ciyaaryahankii hore ee Everton, Newcastle iyo Chelsea Christian Atsu ayaa hadda la xaqiijiyey inuu ku dhintay dhulgariirkii waynaa ee horraantii bishan ku dhuftay Turkiga iyo Suuriya.

Sida laga soo xigtay wakiilkiisa, 31-sano jirkan ayaa weli la la’aa kaddib markii war ay sheegeen saaxiibadiis ay isku kooxda ahaayeen iyo Madaxwayne Xigeenka kooxda ee Mustafa Ozat iyo FA-ga Ghana oo ahaa in Atsu la helay oo loo qaaday isbitaalka isagoo “dhaawac” ah uu beenoobey.

Warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in ciyaaryahankan oo garabka ka ciyaaray  Ghana, Turkigana u ciyaarayay Hatayspor oo ka tirsan Turkish Super Lig, laga soo saaray burburka isagoo mayd ah. Maydkiisa ayaa laga helay burburka gurigiisa oo ku yaalla Hatay.

Christian Atsu, ayaa sidaa darteed ka mid ahaa dadkii ku dhintay dhulgariirkii ka dhacay Turkiga 6-dii bishii Febraayo ee bishan.

ARRIN YAAB LEH – Atsu oo kooxda Turkiga ah ee Hatayspor u dhaliyey laad xor ah oo cajiib ah daqiiqaddii 97-aad ee ciyaarta ugu dambaysey kulankii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Kasimpasa ee Turkish Super Lig 5-tii Febraayo, saacado kahor dhulgariirka ayaa sameeyey arrin yaab leh.

Fatih Ilek oo ka tirsan Maamulka Hatayspor ayaa u sheegay Radyospor: “Christian Atsu waxa uu u sheegay tababaraha in uu doonayo in uu waqti badan helo kahor kulanka aanu la yeelanayno Gaziantep FK. ‘Miyaan bixi karaa haddii aan koox helo?’ ayuu waydiiyey, iyadoo Volkan Demirel uu aqbalay codsigan.” ayuu yiri Ilek.

“Ma ciyaarin kulankii Gaziantep FK, laakiin waxa uu gool dhaliyey daqiiqadii ugu dambaysey ciyaartii Kasımpasa, waxa uu u jarnaa tikit oo wuxuu doonayey inuu soo booqdo qoyskiisa, laakiin markii uu si fiican u ciyaaray oo uu dhaliyey gool, wuxuu kansalay tikitkiisii,” ayuu raaciyey.

”Dhulgariirku wuxuu dhacay maalintii uu ugu farxadda badnayd, wuxuu duullimaad lahaa 11:00 habeennimo, tigitkii markii uu kansalay 4 am. Waa musiibo runtii.” ayuu ku muusonnaabay.

Caadiyan waxay tani ka dhigan tahay in Atsu uu ka haray safarkiisa bixi lahaa 5 saac kahor dhulgariirka uu ku dhintay. Waa arrin muujinaysa sida aan qaddarta looga baxsan karin.

Atsu ayaa 5 kulan u saftay Toffees xilli ciyaareedkii 2014-15, markaas oo uu hogaaminayay Roberto Martinez xilli uu amaah uga tegey kooxda chelsea waxana uu sidoo kale u soo ciyaaray Malaga kahor inta uuna ku biirin Magpies is 2016-kii halkaas oo uu u saftay 32 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah.

Hadalsame Media