“Waa nabad diid!” – Dagaal ka bilowday Laascaanood & Somaliland oo garaadada dhaliishay

0

(Laascaanood) 06 Feb 2023 – Waxaa saaka dagaal hor leh uu ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasoo u dhexeeya Ciidanka Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka Somaliland ay weerarka soo qaadeen, balse dib loo riixey iyagoo la kulmay iska caabbin xooggan, balse Maamulka Somaliland ayaa isna sheegtay in iyaga Wasiirradooda oo deggan duleedka magaalada lasoo weeraray.

“Saaka subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad diidka ah ee ku sugan Magaalada,” ayuu ku bilaabmayaa bayaan ay hadda soo saartay Somaliland oo garaadada ku sheegtay “nabad diid.”

“Kooxa weeraka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Jamhuuriyadda, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul, wixii khasaare dib ayay Xukuumadda ka sheegaysaa, inkastoo inta la ogyahay ay weerarkan ku dhaawacmeen laba askari.” Ayay kusoo koobeen.

Hadalsame Media