”Muujiya munaafaqnimadiinna!” – Ilhaan Cumar oo furka ku xoortay Jamhuuriga oo xil muhim ah ka qaadi raba & Arrin looga aarsanayo

0

(Washington, DC) 26 Jan 2023 – Xildhibaanadda Ilhaan Cumar ayaa weerar ku qaadday afhayeenka Aqalka Wakiillada ee ka socda Jamhuuriga, Kevin McCarthy, iyadoo ka hadlaysa isku dayga GOP ee ah in iyada laga saaro Guddiga Arrimaha Dibedda ee Aqalka kaasuu uu dadaalkiisu marayo meel xasaasi ah.

McCarthy, oo horraantii bishan si dirqi ah ugu guulaystey afhayeenka aqalkan hoose, ayaa muddo dheer ballanqaadayey inuu Ilhaan Cumar ka cayrin doono mid ka mid ah jagooyinka ugu muhiimsan.

Waxa uuna sii waday hanjabadaas kaddib markii uu Jamhuurigu ay ku guulaysteen aqlabiyad caato ah oo dhanka Aqalka ah, isaga oo bartiisa twitter-ka ku qoray inay eersan doonto “hadallada Yuhuud iyo Maraykanka nacaybka ah ee soo noqnoqday”, sida uu u qoray.

Ilhaan keligeed ma aha bartilmaameedka McCarthy. Afhayeenku wuxuu Talaadadii soo dhigay bartiisa twitter-ka inuu diiday isku daygii Dimuqraadiyiinta ee ahaa inay sii haystaan wakiillada California. Adam Schiff iyo Eric Swalwell oo ka tirsan Guddiga Sirdoonka ee Aqalka, iyadoo ay Ilhaan sheegtay in McCarthy uu raadinayo aargoosi uuna isku dayayo inuu qanciyo Madaxwaynihii hore ee Donald Trump.

“Waxaan aaminsan ahay in haddii ay codayntani timaaddo, ay noqon doonto mid wax ku kala caddaan doonaan oo ay khatar ku tahay amniga qaranka iyo dimoqraadiyadda,” ayay tiri Ilhaan oo sheegtay inaysan hubin in codkani guulaysan doono iyo in kale, iyadoo ka mid ahayd Guddiga Arrimaha Dibedda labadii xilli ee ugu horreeyey ee ay Dimoqraadiyiintu gacanta ku hayeen Aqalka.

“Waxaan rajaynayaa in qaar badan oo ka mid ah Jamhuuriyiintani ay damiir yeelan doonaan oo aysan u caddayn doonin tillaabadan si aanay dadka Maraykanka ugu muujinin inta ay le’eg tahay heerka ay ka joogaan xisbinnimo, inta ay le’eg ayay munaafaqnimadooda ama inta ay yihiin kuwo ceebtooda muujinaya.”

HALKEE SALKA KU HAYAA AARSIGU? 2021-kii, Dimoqraadiyiintu waxay qabteen codayn xisbinnimo ka marnayd iyagoo ku guulaystey inay iyagoo gacan ka helaya Jamhuuriga qaarkood ay guddiyo Aqalkan ka tirsan ay ka saaraan laba siyaasi oo xag-jir ah.

Talaabadn ayaa laga qaaday wakiilka Gobolka Georgia ee Jamhuuriga Marjorie Taylor Greene kaddib markii Dimoqraadiyiintu ay farta ku fiiqeen hadalkeedii cunfiga ahaa iyo aragtiyeheeda ku dhisan aaminsanaanta shirqoollada.

Bilo kaddib, wakiilka Gobolka Arizona ee isla Jamhuuriga, Paul Gosar, ayaa lumiyey howlihii guddiga kaddib markii la faafiyey muuqaal muujinaya isaga oo dilaya Wakiilka New York ee Alexandria Ocasio-Cortez oo uu seef la dhacayo taasoo lasoo dhigay bartiisa bulshada.

Greene iyo Gosar labaduba waxay haatan dib u heleen boosaskoodii guddiga laga saaray maadaama ay hadda Jamhuuriyiintu hoggaaminayaan Aqalka.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media