”Waxaa la yiri waa ilaaladii Garaadyada Laascaanood” – Nin isagoo qori garwaaxsan aroosay oo ka hadlay sababta (Daawo)

0

(Hadalsame) 25 Jan 2023 – Lamaane todobaadkii tegey ku aqal galay magaalada Burco ayaa baraha bulshada qabsaday iyadoo ay dadka soo jiiteen caruuska oo garwaaxsanaa qori aake ah.

Cabdicasiis Garaad Cartan oo ka tirsan Ciidanka Somaliland ayaa sheegay in sababta uu qoriga u sitey ay ahayd in maadaama uu askari yahay uu jeclaystey inuu maalintii arooskana uu qaatay, waloow uu qiray inuu qoriga xilligaa u keenay nin ay saaxiibbo yihiin.

Ninkan oo sheegay inuu dhashay markii Somaliland la dhisay ayaa sheegay inuu difaaca ku jirey xitaa habeenkii arooskiisa oo dhacay 17-kii bishan Jannaayo.

Shukri Muuse Aadan oo ah xaaska cusub ee uu guursadey Cabdicasiis ayaa iyana Horncable TV u sheegtay inaanay wax cabsi ah marna dareemin, tiiyoo uu qori haystey lamaaneheedu, iyagoo ku fadhiyey fadhi lagu xardhay calanka Maamulka Somaliland.

Cabdicasiis ayaase sheegay in beeno badan laga faafiyey sida inuu gabadha soo dhacay, inuu ka mid yahay ilaaladii Garaadyada Laascaanood IWM.

Hadalsame Media