“Waa mid wax wayn soo kordhin doonta” – Somalia oo caawa xaqiijisay heer aysan gaarin muddo 33 sano ah

0

(Muqdisho) 25 Jan 2023 – Soomaaliya ayaa caawa mar kale dib ugu biirtay heerka ugu sarreeya marka ay timaado maamulka duullimaadyada hawada sare.

Soomaaliya ayaa gaartey darajada ugu sarreeyss ee loo yaqaan “Class A” taasoo ay ugu dambaysey 33 sano kahor ama waayihii Dowladdii caskariga ahayd.

Isbeddelka ayaa dhaqangalay caawa markii ay 12:00 saqda dhexe ay daqiiqadi raacday amminta Muqdisho 26-ka Janaayo 2023.

Wadiiqooyinka ugu mashquulka badan ee isku xira Yurubta Galbeed, Afrika, Bariga Dhexe iyo Badwaynta Hindiya oo loo yaqaan Gobolka Macluumaadka Duullimaadka Muqdisho ama Mogadishu Flight Information Region (FIR) oo ka dhigan hawada Somalia, ayay arrintani khuseeysaa iyadoo daboolaysa berriga Somalia ilaa qayb wayn oo Badwaynta Hindiya ah.

Diyaaradaha nooc kasta ayaa hadda ku safri kara hawada dalka Soomaaliya, iyadoo DF Soomaaliya si buuxda u maamulayso min marka ay soo galaan ilaa ay ka baxaan.

“Waa dhacdo wayn oo wax ka tiri doonta badqabka Hawada iyo amniga marinnada hawada ee ugu mashquulka badan gobolka iyo caalamka,” ayay tiri Wasiirka Gaadiidka.

“Sidoo kale, wuxuu hannaankani gacan ka gaysan doonaa korarka dhaqaalaha dalkeenna.” Ayay raacisay Wasiirka Gaadiidka Cir iyo Dhul, Fardowso Cigaal.

 

Hadalsame Media