Ronaldo oo magaca dal Afrikaan ah ku khalday Sucuudiga markii uu ka hadlayey ku biirista Al-Nassri (Daawo)

0

(Riyaad) 04 Jan 2023 – Waxaa shalay fiidnimadii gegada Mrsool Park ee ay leedahay kooxda Al-Nassri ee magaalada Riyaad xaflad wayn oo soo dhowayn ah loogu dhigay laacibka CR7.

Laacibka Cristiano Ronaldo ayaa ku adkaystay inuu ku faraxsan yahay inuu usoo wareego dalka South Africa – xilliggii saxaafadda loosoo bandhigayey si uu u bilaabo waayaha cusub ee kooxda Saudi Arabia ee Al-Nassr.

Qandaraaska 37-jirkani kula jirey Manchester United ayaa la fasaqay bishii Nofeembar isaga oo si xil leh uga tegey kooxdaasi kaddib waraysi qarxis ahaa oo uu la yeeshay Piers Morgan kaasoo uu ku dhaleeceeyey kooxda.

Ronaldo ayaa haatan u wareegey kooxda Bariga Dhexe weliba heshiis qaali ah oo uu ku qaadanayo £175 milyan ginni sanadkii – laakiin waxa uu sameeyay khalad cajiib ah oo uu ku qeexayo u dhaqaaqida Koonfur Afrika shirkiisa jaraa’id ee ugu horreeyey ee Al-Nassr.

Muuqaal laga soo duubay oo baraha bulshada lagu faafiyey ayaa muujinaya Ronaldo oo leh: “Kubadda cagtu waa ay kala duwan tahay, marka aniga ahaan iima ahan dhamaadka xirfadayda inaan imaado Koonfur Afrika. Tani waa sababta aan u rabo inaan aag beddesho, run ahaantiina anigu kama welwelo waxay dadku leeyihiin.’

Hadalsame Media