Garsoorihii ciyaarta oo “xaqdarro wayn” ka galay Xulka Marooko (Daawo)

0

(Dooxa) 13 Dis 2022 – Xanaaqa taageerayaasha ayaa qabsaday baraha bulshada iyaga oo ku doodaya inuu khalad ahaa kaarka jaallaha ah ee la siiyey Sofiane Boufal ee Morocco, halkii dalkan Afrikaanka ah ay ahayd in lagu abaalmariyo rigoore.

Arrintan ayaa dhacday bartamihii qqybtii hore ee semi-final-ka Koobka Adduunka, markii uu gudaha diilinta ganaaxa uu khalad ku galay Theo Hernandez oo markii hore feejignaanta lumiyey.

Daafaca Faransiiska ayaase markaas dib u soo kabsaday, kahor inta uusan gudaha diilinta ganaaxa jug ugu gaysan Boufal.

Isku dhacan ayuu garsoorku ugu hiilliyey France, iyadoo garsoore Cesar Ramos uu ciqaabay ciyaaryahankii hore ee Southampton oo uu u taagey kaarka hurdiga ah.

Arrintan ayay dad badani ku tilmaameen wax lagu qoslo iyagoo qaba in Marooko ay rigoore istaahishey halka laga ciqaabay.

 

Hadalsame Media