“Faa’iidada” Qadar ugu jirta haritaanka Xulka Ingiriiska (Arrin ay wadeen muddo dheer)

0

(Hadalsame) 11 Dis 2022 – ๐—ช๐—ฎ๐˜… ๐˜„๐—ฎ๐—น๐—ฏ๐—ฎ ๐—ฎ๐˜†๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ฎ๐—บ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฒ๐—ฒ๐—ป ๐˜€๐—ถ ๐—ฎ๐˜† ๐˜‚ ๐—ณ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฎ๐—ป in halkaa lagu qabto K๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ธ๐—ฎ A๐—ฑ๐—ฑ๐˜‚๐˜‚๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ฏ๐—ฎ๐—น๐˜€๐—ฒ ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ ๐—ณ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—น๐—บ๐—ฎ๐˜†.

Ingiriiska oo lagu tiriyo in uu haysto warbaahin af ku xooglayaal ah ayaa weerar cir iyo dhul ahba ku qaaday Qadar 12-sano kahor markii ay martigelinta ku guulaysteen iyagoo ka xumaa in waddan Muslim ah lagu abaal mariyo martigelinta dhacdada ugu wayn kubadda cagta adduunyada.

Dhinac walba ayay ka weerareen, ilaa ay BBC-du xitaa diideen baahinta furitaankii xafladdii Koobka Adduunka balse cidna dheg jalaq uma siin eedooda.

Waxay sidoo kale ahaayeen waddankii ugu waynaa ay u doodayey xirashada calaamadda kabtanka ee “ONE LOVE” ee dadka isku jinsiga ah iyo in waddanka loo ogolaado in meel kasta biirka lagu fuudo, laakiin waa ku hungoobeen damacoodii.

Hadda waddan kasta oo kibir badnaa ee siyaasad aan ahayn waxa Qadar loo yimid dabada ka riixayey isagoo bahdilan ayuu diyaaradda sii raacay weliba macasalaamo cid dhahda ayaa la waayey.

Bal eeg min Denmark, Holland, Belguim, Germeny iyo England oo ugu dambeeysey.

Qadar dhaqankeeda iyo diinteeda inay 28-beri oo uu Koobku socdo in ay u bedesho waa hore ayay diiddey haddana waxa u haray dhowr kulan oo qura oo wuxuu koobku joogaa nus-dhamaadkii.

Hadda lafteeda, in xulka Ingiriisku haray ma joojin doonto ololohoodii ka dhanka ahaa dalkan yar, balse maadaama uusan xul u joogin waxaa yaraan doono joogistooda dhuleed gaar ahaan taageerayaasha laftooda oo fowdo ka wadey goobta.

Tiiyoo ay usii dheer tahay inay yihiin kuwa ugu foowdo badan dunida in kastoo ay sanadkan samaynin jejebintii ay caanka ku ahaayeen ee goobaha baararka, jidadka IWM.

Tusaale, beri dhowayd waxay garoonka lasoo galeen lebiskii Saint George ee xilligii Crusaders-ka la xiran jirey, iyadoo la ogyahay wixii ay Mucatab ku dirirku ka gaysteen dunida Muslimka gaar ahaan Qudus.

W; D: Cabdullaahi Baliil & Max’ed Xaaji.

Hadalsame Media