Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riddey ninkii ku eedaysnaa dilka darawalka

0

(Muqdisho) 04 Dis 2022 – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee DF Somalia ayaa maanta dil toogasho ah ku ku xukuntay askarigii loo haytey dilkii marxuum Saylax Cabdulle oo ahaa darawal, kaas 29-kii bishii hore ee Nofeembar lagu diley isbaaro taalley waddada isku xirta degmada Balcad iyo Muqdisho.

Ninka xukunka lagu ridey oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cadow Ciise oo isla maalintaas dilku dhacay ay ciidamadu soo qabteen, ayaa waxaa xilligaaba lagu wareejiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Cabdiraxmaan oo dabeeto deg deg loo maxkamadeeyey ayaa ka hadlay xaaladda isbaarooyin ilaa 11 gaaraya oo halkaa ku yaalla waxaana lagu helay dembigii loo haystey oo ahaa inuu shilimaad yar u diley marxuumka oo wadi jirey gaari BL ah iyadoo ay dadka qaar ku sheegeen 10,000 oo Shilin Soomaali ah, waxaana lagu xukumay dil toogasho.

Intii ay socotey dacwaddu, qaar ka mid ah shacabkii saarnaa gaariga oo marqaati ahaan loo geeyey maxkamadda ayaa waxa ay sheegeen in ninka la xukumay uu si ku tala gal ah u diley marxuum Saylax Cabdulle.

Hadalsame Media