Wararkii ugu dambeeyey ciidamada kusii siqaya Degmada Aadan Yabaal (Degaannada la qabtay?)

0

(Muqdisho) 03 Dis 2022 – Waxaa soconaya dagaalka ay Ciidamada DF Somalia iyo dadka degaanku ay ku qaadeen kooxda Al Shabaab, gaar ahaan wararka ka imanaya dhanka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo dadka degaanka oo is kaashanaya ayaa waxaa haatan la sheegay inay kusii siqayaan Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Sh. Dhexe, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Sarreeye Guuto, Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa goordhow bulshada xogtan la wadaagey.

Ciidamada ayaa sidoo kale intii ay jihadaa usii socdeen waxay isla galabta la wareegeen degaanno fara badan oo ay ku sugnaayeen Shabaabku sida Guulane, Xarka dheere, Mabaax iyo Daaru Salaam oo ka wada ka tirsan Shabeellada Shexe, sida uu sheegay Milateriga Somalia.

Wuxuu intaa raaciyey in haatan uu yoolkoodu yahay inay qabtaan Degmada Aadan Yabaal oo ah mid muhim ah.

Hadalsame Media