”Waa Maguire-kii dhaqaalaha” – Baarlamanka dal Afrikaan ah oo dooddiisa metelaad looga dhigay laba laacib oo caan ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 01 Dis 2022 – Daafaca Ingiriiska ee Harry Maguire ayaa waxaa ku jees jeesay xildhibaan reer Ghana ah oo si aan wanaagsanayn isu barbar dhigay Madaxwayne Xigeenka dalkaasi iyo xiddigga England iyo Man United.

Intii lagu guda jirey dood ka dhacday baarlamaanka Ghana, Issac Adongo ayaa waxa uu Dr Mahamudu Bawumia ku tilmaamay “Maguire-kii dhaqaalaha”, isaga oo waxqabadkiisa la barbar dhigay hoos u dhaca daafacan tan iyo markii uu u wareegey gegada Old Trafford.

Xildhibaannada ayaa aad ugu qoslay isbarbardhiggan lama filaanka ah iyadoo Mr Adongo uu ku eedeeyey Dr Bawumia inuu dhaliyay gool otoreeto dhaqaale ah weliba si soo noqnoqatay.

Mr Adongo ayaa u sheegay baarlamanka in kahor inta uusan u dhaqaaqin dhanla Manchester United, Maguire “uu ahaa daafac qof walba la herdamayey, meel walbana taagnaa… loona arkayey inuu yahay daafaca ugu fiican adduunka.”

Balse kaddib markii uu 80 milyan oo ginni ugu wareegey gegada caanka ah ee Old Trafford, Maguire “uu noqday halista haysata difaaca dhexe ee Manchester United”.

“[Wuxuu noqday] mid taako ku qabta ciyaartoyda Manchester, wuxuuna goolal ku caawinayaa kooxaha kasoo horjeeda. Guddoomiye, haddii kooxaha ka horjeeda Man United ay gool dhalin waayaan, Maguire isaga ayaa gool u dhaliya iyaga,” ayuu yiri Mr Adongo.

“Mudane Guddoomiye,” ayuu sii raaciyey, “waxaad xasuusataa in dalkan sidoo kale aan leenahay Maguire dhaqaale. Maguire-ka dhaqaalahan, waan u sacbinaynaa anagoo leh ninkani waa kan ugu fiican maaraynta dhaqaalaha,” ayuu raaciyey.

Isbarbardhigga kubbadda cagta ayaa kasii socday baarlamaanka Ghana kaddib markii xubin kale uu ka digey in Madaxwaynihii hore ee Ghana aan dib loogu soo celin awoodda isagoo barbar dhigay go’aankii ay Chelsea kusoo ceshatay Romelu Lukaku.

Ghana ayaa berri oo Jimce ah wajihi doonta xulka Uruguay kulankooda ugu dambeeya ee Group-yada Koobka Adduunka wax u eg kulan ku celis ah kaddib markii ay isku aadeen wareegga siddeed-dhamaadkii 2010-kii, markaasoo Luis Suarez uu gacanta kusoo saaray gool u dhalan lahaa Ghana mid ka mid ah ciyaaraha ugu muranka badan Koobka Adduunka, iyadoo uu Suarez diidey inuu raalligelin ka bixiyo arrintaasi.

 

Hadalsame Media