”Waxaa middiyo & sakiimo ku boobayey ciyaar koollo ay ku daawanayeen dad uu abtigii ka mid ahaa” – Qiso dhab ah

0

(Muqdisho) 26 Nof 2022 – QALASHADII MAXAMED-SAWIR – Waa qiso dhab ah oo dhacday horraantii 2000meeyadii. Waxa uu ahaa nin dheer oo xoog iyo lixaad leh, da’diisuna qiyaastii ahayd dhammaadka da’ labaatanaad ilaa bilowga da’ soddonaad. Waxaa abti u ahaa nin ganacsade caan ahaa oo ka mid ahaa ganacsatada jaadka Kenya ka keenta, sidaa oo kale na waxa uu lahaa xafiisyo tigidhada diyaaradaha laga goosto.

Laakiin, dadku waxa ay ugu yeeri jireen ama ku xaman jireen in Maxamed-Sawir wacal (garac) ahaa. Ku ma aysan xaman jirin keliya ee qaarkood baa si toos ah ugu sheegi jiray in uu wacal yahay. Intaas ugama aysan harin’e waxa ay ugu yeeri jireen magacyo kale oo liidid iyo takoor ah, waxaa na loo la dhaqmi jiray sidii in uu yahay qof dabaqad labaad ah (second class).

Ma hubo in Maxamed wacal ahaa iyo inkale balse sida loola dhaqmi jiray, iyo sida uusan marnaba garab uga helin abtigiis iyo qaraabada kaleba waxa ay igu dhaliyeen in aan rumaysto in Maxamed aabbe-laawe ahaa, maadaama Soomaalidu sidaas gurracan ee naxariis la’aanta ah ula dhaqmi jireen ubadka aabbe-laawayaasha (aabbayaashood la aqoon) ah.

Carruurtaasi waxa ay ahaayeen looma-ooyaan magan u ah dhaqan gurracan oo cunsuriyadda iyo naxariis la’aantu biyadhigtay. Waxaa loola dhaqmi jiray (ilaa haddana loola dhaqmaa) sidii in ubadkaasi dambilayaal yihiin oo kale, dadkuna waxa aad mooddaaba in ayba rumaysteen in carruurtaasi sino ku dhaceen.

Maxamed, waxa uu xammaali ka ahaa sharikad jaadka keeni jirtay ee abtigiis lahaa laakiin waxa uu u noolaa sidii qof darbijiif ah oo kale inkasta oo abtigiis iyo qaraabadiisu magaalada guryo waawayn ku lahaayeen. In badan baan arkay Maxamed oo seexanaya garaash baabuurta lagu xareeyo.

Waxa aan xusuustaa ammin aroor hore ahayd mar ciyaal darbijiifyo ahaa sidaa oo kalena koolladhuuqyo ahaa ay Maxamed-Sawir abtigiis u yimaadeen ayaga oo dacwo ka ah Maxamed-Sawir, waxa ayna u sheegeen in “xalay” Maxamed-Sawir dabaguray (sexual assault) wiil darbijiifyada ka mid ah.

Wiilka sheegtay in Maxamed-Sawir dabaguray waxa uu ahaa aalkolayste caan ka ahaa aaggaas, magaciisuna ahaa Boqoljirow. Boqoljirow waxa uu ahaa dagaalyahan fongoran, sidaa oo kalena ah madaxa kooxda darbijiifyada ah ee Maxamed-Sawir abtigiis u dacwoonayay. Maxamed-Sawir abtigiis si caro leh buu darbijiifyadii ugu yiri “waxba igama gelin, haddaad rabtaana dila.”

Maxamed-Sawir ammintaas waxa uu agtaagnaa oo sugayay in uu fuulo (koro) gaari caasi ah oo abtigiis lahaa, kaas oo u socday garoonka diyaaradaha nambar konton. Boqoljirow iyo kooxdiisi oo ku hubaysan toorreeyo iyo sakiinno waxa ay weerar ku qaadeen Maxamed-Sawir, oo inta ay ku goobteen dhulka dhigeen ka dibna, waxa ay bilaabeen in jirkiisa gaar ahaan wajigiisa sakiin ku dildilaaciyaan.

Waxa ay u qaleen sidii in ay yihiin dhakhtar inta qof bukaan ah sariirta saaray qalliin ku samaynaya. Cabaadka iyo oohinta Maxamed-Sawir qof walba oo subaxaas halkaas joogay (abtigiisna ku jiro) waa maqlay, waxaase la yaab lahayd in aan qofna u dhaqaaqin oo isku dayin in uu aalkolaystayaasha ninka cunaya ka fujiyaan, ilaa abtigay Alle keenay kaas oo ka gaaray oo ka kiciyay. Malaha, haddii aan abtigay imaan lahayn Maxamed subaxaas waa Alleysan lahaa.

La soco qayb kale….

W; Q: Cali M Diini

Hadalsame Media