“Muddo 3 saac ah ayaa la jirdilayey oo ciddiyaha laga siibey” – Xog naxdin leh oo kasoo korortay weriye Pakistani ah oo Nairobi lagu diley (Daawo)

0

(Hadalsame) 11 Nof 2022 – Arrin cusub oo naxdin leh ayaa soo shaac baxay taasoo ku saabsan kiiska dilka ahaa ee loo gaystey weriyihii ruug caddaaga ahaa ee Pakistan, Arshad Sharif, kaasoo si naxariis darro ah loogu diley Kenya.

Waxa arrintan daaha laga qaaday weriye Kamran Shahid ee barnaamijkiisa “On the Front” ee ka baxa Hilinka Dunya News kusoo qaatay.

Kamran Shaahid ayaa soo bandhigay tafaasiil naxdin leh oo ku saabsan dilka loo gaystey Arshad Shariif, isagoo sheegay in weriyaha la jirdilayey muddo ka badan saddex saacadood, cidiyahana lagala baxay farhiisa kahor inta uusan dhiman, iyadoo sidoo kale ay ka jabeen faraha iyo feeraha sababo la xiriira jirdilka daran ee lagula kacay.

Wuxuu dilkan ku tilmaamay dil qorshaysan, wuxuu sheegay in rasaas laga soo riday meel u dhow si af-saar ah qadaadka looga dhuftay [Arshaad Shariif].

Barnaamijka “On the Front” ayaa sii sheegay in goobtii toogashadu ay ka dhacday ay sidoo kale joogeen 10 qof oo isugu jira macallimiin iyo tababarayaal Maraykan markii la dilayey weriyahan Pakistaaniga ah.

Wuxuu barnaamijku sheegay in weriyaha oo la khaarajiyey 23-kii Oktoobar la marsiiyey jid ka dheer midkii uu qaadan jirey, isagoo u dhintay dhaawacii ka gaarey madaxa iyo sambabka midig sida ka muuqata baarista maydkiisa lagu sameeyey.

Wuxuu dhintay 30 daqiiqo kaddib markii sida xun loo dhaawacay. Waxaa yaab leh in Booliiska Kenya ay iyagu sheegteen inay dileen iyagoo yiri waan ku ”khaldannay.”

Hadalsame Media